Diiwaan-ururin ka sheekeynaysa alaabta guriga, qalabka ku rakiban guriga dhexdiisa iyo xaaladdooda maalinta aad soo degtay ayaa boostada e-mayl ahaan loo soo diri doonaa isla markaaba kiraysigaagu bilaabmo. Tan waxaa diyaariyay xafiis-hayaha agabyada madaxa-bannaan oo laga yaabo inaad la kulantay maalinta kireysigaagu bilaabmayo. Waa muhiim inaad si fiican u hubiso alaabada iyo haddii aad aamminsan tahay inay wax khaladaad ah ka jiraan warbixinta, ku faahfaahin kuwaan Maareeyaha Adeegga Deganeyaasha iyo Maareeyaha Hanti Savills 48 saacadood gudahood.
Haddii aadan dalban wax isbeddel ah oo ku saabsan alaabada (sida kore) waxaa loo qaadanayaa inaad aqbashay jadwalka shuruudaha inuu yahay bayaan dhab ah oo run ah. Kuwaas ayaa markaa loo isticmaali doonaa in lagu go'aamiyo wixii lacag-dhimis ah ee looga jaro dabaajigaaga dhammaadka kireysigaaga.
Fadlan ku hayso nuqullada alaabadaada meel aamin ah maadaama aad ugu baahatid dhamaadka kireysigaaga si aad u hubiso in walxaha oo dhami ay meel yaal, qol qol, sida ku xusan kaydka.